20
504
1
56.6%
Saacadu waa 2 dii habeenimo, indhahaygana waxa buux dhaafiyay ilin. Qolka yar ee aan jiifo waxa hareerihiisa ka muuqda mugdi iyo aamusnaan, balse gudaha qalbigayga waxa ka taagan dagaal aan cidina arkin. Ilin kastoo indhahayga ka qubanaysa waxa ay wadataa sheeko aan cidna garanayn, xasuus xanuun badan iyo su’aalo aanan weli helin jawaabahooda. Ma garanayo in aan ka ooyayo dad aan waayay, rajadii iga luntay, mise kalinimada i hareeraysan ee aan ka qarinayo dunida. Waxa iigu darnaanysa in ay jiraan erayo aan rabay in aan sheego, laakiin aan hadal u helin. Waxaa jira dad aan rabay in ay garab i joogaan, laakiin meel fog iga joogaan—qaarkoodna mar hore ayay tageen. Habeenkii wuu dheeraa, laabtayduna way culus tahay. Waxaan qirayaa: mararka qaar xothintu waa nafis, waa dareenka bani’aadamnimada oo sheegay in aanu wali noolahay, in aanu wali dareemayno, jecelnahay, xasuusanayno. Saacadu waa 2 dii habeenimo... indhahayguna waa ilmaynayaan... qalbigayguna waa hadlayaa—laakiin cod aan la maqlin ayuu ku hadlayaa.😭💔
20
504
1
56.6%
Cost:
Manual Stats:
Include in groups:
Products: