179
1.3K
26
4.24%
@wll sayga ✨️❤️ Saaxiibtimadu waa sida kabaha, mid wey kugu dhegsan tahay, midna way kaa dabacsan tahay, midna wey kaa weyntahay, intaas oo dhana waxay kaa caawinayaan sidaad noloshaada u socon lahayd.Dadka wax ka qora saaxiibtimadu way isku khilaafsan yihiin macnaha dhabta ah ee ay xambaarsan tahay kalmadu, balse saaxiibka dhabta ahi wuxuu dadka kale kaga duwan yahay waxa uu garab kuu yahay mar kasta oo aad uga baahato garab, taageero iyo caawin. Wuxuu ilaahay igu sharfay asxaab qiimo badan oo I dareensiisay macnaha dhabta ah ee ay leedahay kalmada saaxiibtinimo, anniga oo marksta u aqoonsada una yaqaana in ay yihiin ubaxa kaliya ee aan qodox lahayn ee noloshayda ka baxay. Saaxiibka wanaagsan waa kuu Rasuulku csw inoo sheegay in uu yahay mid ka shaqeeya meelaha lugu iibiyo waxa uduga leh ee ay dadku jecel yihiin, qofka ka shaqeeya meelahaasna waxaad kala kulmaysaa udgoon. Maahmaah carbeed ayaa tidhaahda (guul maaha in aad samayso 100 saaxiib oo mar kaliyaata ka taga, balse waxa guul ah in aad samayso hal saaxiib oo kula jira 100 sano)
179
1.3K
26
4.24%
Cost:
Manual Stats:
Include in groups:
Products: