abdiqanipradoh4
Mar 31
741
8.3K
9
356%
Qaado qalinka oo qor "@Geesey.Goat๐ธ๐ด๐ @Khalid toreye โค๏ธ @Dahir.Alasow @Afhayenka Zuber Awal๐ฆ๐๐๐ค #footballtiktok #akhriska Ma waxad ku horayn marka aad cabsato waxa aad samayso iyo dareenkaaga mise sida dhuuntaadu u qalashay ayaad marka hore biyo u dooni mise guntaada odhaahyada ku basbeelay ayaad damintooda u dhaqaaqi mise kolkana adayga ayaad sii qaadan oo samirkaagii ayaad laba jibaari, mise ruudaada runta intaad u sheegto ayaad mar labaad kaligaa ooyi doontaa, aniguba waan ogahay sida daqiiqadaha murugadu ay u gaabiyaan daqiiqadaha faraduna ay hore ugu jarmaadaan, Si fiican ayaan u garanayaa dareenka ay leedahay qof aad tabaysay inuu agtaada soo fadhiisto kadibna kuu laao qaboojiyo oo inta uu gacmahaaga gabto gariirkooda damiya, si fiican ayaan u garanayaa tigalinta ay leedahay ilintii aad golkaaga ku qubtay in qofkii lahaa kuu yimaado isagoo raali galin iyo cafis gacmaha ku sita, si fiican ayaan u garanayaa sida rajooyinkaagu darajooyinka u lahaayeen laakiin aad adigu kali u tahay jeerkan, Si fiican ayaan u garanayaa inuu dareenkani laabtaado kasoo baqoolay oo xadhkaha qalbigaaga uu ku dhex goostay ilaa dareenkaagu qalfoofkii maamushay, si fiican ayaan u garanayaa sidii laabtaada aad ugu faantay eed iskugu sheegtay inaad qofkaagii heshay, xitaa waan ogahay sida ilinta iyo farada aad u kala qariso, xitaa waan la socdaa murugadu habeenada gaarkaa ee golkaaga ay kugu sugto, Si fiican ayaan u aqaan dalxiiska iyo dhul barashada inaad xiisayso laakiin maanta qolkaagii aad kusoo idlaatay, si fiican ayaan u aqaan kaftankaagii saaxada inuu ka baxay oo xitaa qasbin haddii ay awoodaan inaadan awoodin xitaa dhoolacadayn beena, si fiican ayaan u ogahay waxa aad iyaga u diyaarisay iyo sida ay kuu macasalaameeyeen, si fiican ayaan u ogahay dareenada aad u kaydisay iyo kalsoonidaadii, Si fiican ayaan xitaa goortan u ogahay in laabtaadu cudur daaranayso oo aad xoogaa dafirsan tahay in xanuunku meel daran dugaashaday oo waxad door bidaysaa inaad tahay qof fayow halkii runtaada aad qaadan lahayd, laakiin dhib malahan oo tani waxan u malaynayaa inay tahay sababta huga aan u xidhano inay tahay si dhaawaca jidhkeena aan loo arag, Si fiican ayaan korkaaga durba uga dheehday sida aad mar labaad isku raadinayso dushaadana aad uga baadhayso qofkii aad ahaan jirtay, si fiican ayaad yeeshay kadibna intaad aamustay ayaad indhaha kala furtay intaad isku qabatay bal si aad u hubiso inaad riyoonaysay ood huruday iyo In kale, Sidooda oo kale mar dambe kuma dhihi doono waa iska caadi oo tani nolosha ayay kamid tahay laakiin runta ayaan kuu dhaafayaa oo daqiigado kadiba adigiyo ruuxdaadii ayaa isku kaliyoobi doono, hal mid ayaan dhagta kuu raaricinayaa jacaylka dhabtiiba waa inaadan helin qofkaaga marka khiyaalka loo eego marka duruufta loo eegana dhibane ayaad cimrigaaga oo dhan ahaanaysaa marka lamanaaha loo eegana kaligaa ayaa farasanaan doona, marka guusha loo eegana waa inaad huridii jacaylkaaga aqbasho farada qofka aad jeclaatayna u hibayso, Lamaankaagiina u rajayso in ka badan intii aad siin lahayd laabta qofkaa kale inuu ka helo, si haddii aad u eegto jacayiku waaba wax bixi adigana xanuunka hakuu hadho, jeerkan qalinka qaado oo qor hal fariin oo laabtaada gunteeda ahaatay oo wali qofkii lahaa aadan siin, odhaahdaa hadiyadee oo galin hoo, Waxaa qoray qestar ali,
abdiqanipradoh4
Mar 31
741
8.3K
9
356%
Cost:
Manual Stats:
Include in groups:
Products:
