681
7.5K
26
323%
Emotional Intelligence Book - Book gan waxu si kooban ugu hadla EQ - Emotional Quoteint Waana awoodda qofku u leeyahay inuu xakameeyo dareenkiisa taaso ah xirfad muhiim ah oo saameyn ku leh shaqsiyadda qofka 5-ta Qodob ee Ugu Muhiimsan EQ 1. Self-Awareness: Wa kartida qofka uu ku garanayo dareenkiisa, dadka leh is-ogaal sare waa kuwo og marka ay xanaaqsan yihiin ama faraxsan yihiin 2. Self-Regulation: Waa awoodda gofku uu ku xakameeyo xanaaga, niyad-jabka, iyo walbahaarka. Dadka leh is-xakameyn sare waa kuwo degan, samir badan, oo aan si deg-deg ah u falcelin marka ay dareemaan xanaaq. 3. Motivation: Waa awoodda qofka uu iskugu dhiirrigeliyo inuu horumariyo naftiisa, xitaa marka uu la kulmo caqabado. Sido kale dadka leh dhiirrigelin sare waa kuwo dadaal badan, oo aan si fudud u niyad-jabin. 4. Empathy: Waa awoodda qofku uu ku dareemi karo xaaladda dareen ee dadka kale. 5. Social Skills: Waa kartida qofka uu ku dhisi karo xiriir wanaagsan iyo inuu si hufan u xalliyo khilaafaadka. Faa lidooyinka EQ Sare * Dadka leh EQ sare waxay ku fiicanyihiin hogaaminta iyo xalinta dhibaatooyinka * Waxay si fudud ula gabsadaan dadka kale wayna fahmaan dareenkooda. * waxay si caqli ah uga falceliyaan xaaladaha adag ee nolosha, iyagoo aan deg-deg uga jawaabin. Sidee Loo Horumarin Karaa EQ? * Faham dareenkaaga, iskuna day inaad ogaato sababta aad u dareemayso waxaas. * Marka aad xanaaqdo ama walwasho, neef goto dheer qaado, fikirkaaga deji, kadibna go'aan qaado. * Si fiican ah u dhagayso dadka kale, iskuna day inaad fahamto dareenkooda. * Marka aad la macaamilayso dadka, muuji dulgaad, faham, iyo xushmad. * Isku day inaad naftaada dhiirrigeliso xitaa marka aad la kulanto caqabado.
681
7.5K
26
323%
Cost:
Manual Stats:
Include in groups:
Products: