roople______kevin
Dec 24
110
661
71
82.4%
ALLAH HOOYO MCN NAGA KAA HORAYSIIYO 🤲❤️ Hooyooy la'aantaa Aduunyadu hubaashii Habeen kama baxdeenoo Iftin lama heleenoo Dadku uma hayaameen Xiddig hawd ka lulatoo Sida haad ma fuuleen Dayax heego joogoo Hubka laguma tureen Hawo laguma gaadheen Cirka hirar ka muuqdoo Hooyoy addoomuhu Halkay maanta joogaan Adigow horseedoo Intaad hanad xambaartee Haaneedka siisee Horaaddada jaqsiisee Habtay baan xisaab iyo Tiro lagu heleynoo. Marka aad nin hiilloo Laga baqo hashiisiyo Halyey diran dhashaa baa Hooyo lagu xasuustaa Marka aad nin hoo-loo Gurigiisa habaqluhu Isku soo halleeyoo Hayntiisa quudhoo Hor Illaahay geystiyo Lama hure dhashaa baa Hooyo lagu xasuustaa. Mar aad nin himilada Hilin toosan mariyoo Hir markii la gaadhoba Ku labaad hilaadshoo Haga maatadiisoo La higsado dhashaa baa Hooyo lagu xasuustaa. Marka aad nin hoogiyo Ka hor taga daalkoo Garta hubin yaqaanoo Xaqa hoos u eegoo Halistiyo colaadaha Dabka hura bakhtiiyoo Ku haggoogta dhiiggoo Dadka kala hagaajoo Kala haga dhashaa baa Hooyo lagu xasuustaa. Markaad hoobal caaniyo Hindisaa farshaxanoo Hab-dhaca iyo luuqdiyo Hawraarta maansada Heensayn yaqaanoo Rabbi biyo u siiyoo Labadaba hannaanshiyo Hal-abuur dhashaa baa Hooyo lagu xasuustaa. Dumar iyo haween baa Nolol lagu haweyntaa Kuwa lagu hammiyayee Sida hawd caleen weyn Rag u wada hammuumee Ishu calacsanaysaa Hablahaaga weeyee Marka guur la haybshee Gabadh heego dheeroo Hoobaan la moodoo Karti iyo hubqaadloo Quruxdana ka hodaniyo Hira laga aroostaa Hooyo lagu xasuustaa Hooyoy la'aantaa Higgaad lama barteenoo Hooyoy la'aantaa Hadal lama kareenoo Ruuxaanad habinoo Kolba aanad hees iyo Hoobey ku sabinoo Hawshaada waayaa Hanaqaadi maayee Hoygii kalgacalkee Naxariistu hadataay. Hooyoy dushaadaa Nabad lagu hubaayooo Hooyoy dhabtaadaa Hurdo lagu gam'aayoo Hooyoy taftaadaa Dugsi laga helaayoo Waxa lagu hal-maalaa Hooyo ababintaadee Hayin lagu badhaadhaay Hogol lagu qaboobaay Gogol lama huraaneey Dugsigii hufnaantaay Hidda lagu arooraay. Intaad hooyo nooshahay Hambalyiyo salaan baan Hanti kaaga dhigayaa Hamrashiyo xaq dhowr baan Dusha kaa huwinayaa Hooyo dhimashadaaduna Hooggayga weeyoo Hiyiga iyo laabtaan Kugu haynayaayoo Weligay hoygaagaan Ka dul heesayaayoo Hengel baan u xidhayaa Inta haadka duushiyo Idil habar dugaaggee Ifka hibo ku noolow Aakhiro halkii roon
roople______kevin
Dec 24
110
661
71
82.4%
Cost:
Manual Stats:
Include in groups:
Products:
