370
5.2K
8
169%
Maxaa kugu dhaliyay in aad isku soo sharaxdo Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland? Waxa igu dhiirrigeliyay in aan isku soo sharaxo xilka Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland ay tahay jacaylka aan u qabo horumarinta ciyaaraha, gaar ahaan kubadda cagta. Waxaan aaminsanahay in kubadda cagtu tahay awood mideyn karta dhalinyarada, kor u qaadi karta magaca dalka, isla markaana horseedi karta isdhexgal bulsho iyo horumar dhaqaale. Waxaan leeyahay waayo-aragnimo iyo xirfad hoggaamineed oo aan ka kasbaday shaqooyinkii aan hore u soo qabtay, kuwaas oo ii suurto gelin kara inaan horumarin iyo isbeddel muuqda ku keeno hanaanka maamulka iyo horumarinta kubadda cagta Somaliland. Waxaan rabaa inaan abuuro hannaan hufan oo cadaalad ku dhisan, korna u qaado tayada ciyaartoyda iyo tartamada gudaha, isla markaana aan kobciyo xidhiidhka caalamiga ah ee kubadda cagta Somaliland. W/Q Mahdi Maxamed Xasan
370
5.2K
8
169%
Cost:
Manual Stats:
Include in groups:
Products: