deeqyare90
Feb 21
23K
612K
1.6K
6,188%
Wasiir ku xigeeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JSL Md, Yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase) ayaa Maanta Caasimadda Hargeysa ku soo dhaweeyay ciyaartoygii weynaa ee Xulka Kubadda Cagta Denmark Patrick Jan Mtiliga, kaas oo booqasho muddo Toddobaad ah ku joogaya Somaliland. Patrick Jan Mtiliga oo ka soo ciyaaray Horyaaladda Spain iyo Holland una soo saftay kooxaha Málaga CF iyo Feyenoord, ayaa mudada uu joogayo Somaliland u kuur-galida doorka ciyaaraha gaar ahaan Kubadda Cagta, sidaas daraadeedna wixii uu wax inagala qaban karana uu si weyn u ballan-qaadi doono. Dhanka kale, waxaan booqasho ku geeyay garoomadda Kubadda Cagta Hargeysa Stadium iyo Xawaadle Stadium oo ciyaaro ka socdeen, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay aadna ula dhacay heerkeena Kubadda Cagta. Waxa kale wasiir ku xigeenka soo dhawaynta iyo kormeerka Garoomada ku wehelinaayey Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha Md Jamaal Cabdi Axmed iyo La taliyaha wasiirka ee arimaha kubada Md, Khadar Xuseen Jaamac (Jokar Jiilaal) Allaa Mahad leh -----------------------------------------------------------
deeqyare90
Feb 21
23K
612K
1.6K
6,188%
Cost:
Manual Stats:
Include in groups:
Products:
